Cabdi Bashiir Indhobuur
From Wikipedia
Cabdi Bashiir Indhobuur waxa uu ka mid ahaa abwaanadii fara-ku-tiriska ahaa ee loogu jeclaa fanka Soomaaliya. Wuxuuna ku dhashay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Soomaaliya. 1963dii ayuu wuxuu ku biiray ciidaanka booliiska, 1972dii ayuu u soo wareegay Magaalo-madaxda Muqdisho isagoo ka howlgalay Dekadda, kadibna ku soo wareegay kooxda Heegan.
Contents |
[edit] Heesihii iyo Riwayaduhuu curiye
Riwaayadihii uu sameeye waxaa ka mid ahaa: 'Guur qayaano' iyo 'Gantaalo jaceyl' oo la soo bandhigay 1978dii. Hasayeeshee waxaa Cabdi Bashiir Indhobuur lagu xasuustaa heeso farabadan oo ilaa maante caan ah.
Heesahaasi oo iskugujira kuwo Wadani ah iyo kuwo Jacaylba leh, waxaa ka mid ah: 'Boolisku waa', 'Arligaygoow, 'Heybad waxaad ku leedahay', Maskax gaabnidaa, Isku duubni, Dhabta miyaan ku saaraa, 'Hallow', 'Qaranimo', 'Dal barwaaqo & dadka baahan', 'Adinkiyo awoodayadaay', 'Abaal hooyo', 'Hooyooy wax lagu dhigaa la waayey', 'Midnimo u adeeg', 'Dumarow ha suuroon', 'Subxaan Yaa Qafaar' iyo kuwa kale oo fara badan.
[edit] Geeridii Cabdi Bashiir
Allahaa u naxariistee Abwaan Cabdi Bashiir Indhobuur waxaa lagu diley xaafada Afisyooni ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho 1990kii.