Kumbuyuutar
From Wikipedia
M.I Mursal (Qore)
Contents |
[edit] Aasaaska kumbuyuutarka
Kumbuyuutar waa aalad lagu isticmaalo meelo aad u tiro badan oo ka mid ah nolosha bulashada. Nolosha casriga ah oo aan hada ku jirno waxaa aad u adag in la'helo xirfad lagu shaqeeyo oo aanan la’isticmaalin aaladan kumbuyuutarka ah. Qoraalkan gaaban waxaan rabaa in aan si sahlan ugu sharxo sida uu kumbuyuutarka u shaqeeyo. Waxaana hubaal ah in intiina badan oo qoraalkan akhrisanayso, in ay isticmaaleen aalada lo yaqaano kombuyuutarka. Arrin aasaasi ah oo u baahan in uu fahmo qofwalba oo raba in uu waxka fahmo teknolojiyada casriga ah ayaa waxay tahay: In kumbuyuutarku uusan qabankarin wax uu san biniaadanka qabankarin ama ku fekerikarin. Waxaa hubaal ah in uusan aduunka jirin kumbuyuutar uu sameeyay wax aan beniaadam ahayn. Sababaha ugu wacan in ay kumbuyuutarada ku soo bataan goobaha wax soo saarka sida warshadaha, isbitaalada IWM (Iyo Wixii La'mid ah), waa sida ay u qabankaraan howlaha soo noqnoqda asaga oo aanan daalin uun qaladkiisuna aad u yaryahay hadii loo feeriyo mida uu qofka beniaadamka ah qabto.
Arinkakale oo uu kumbuyuutarka kaga duwan yahay dadka ayaa wax ay tahay in uu si dhaqsileh ku qabankaro howlaha xisaabaadka u baahan. Sida aynu ognahay xisaabta laga rabo in uu kobmuyuutarka yaqaano ayaa waxay tahay oo kaliya Iskudar iyo Kalajar. Iskudhufashada iyo Isuqaybinta waxay ka yimaadaan labada aanu horey u soo sheegnay.
Kumbuyuutarka oo gebigiisaba ku salaysan farsamada elektarooniga ah ayaa waxa uu yaqaanaa oo kaliya tirada 0 iyo 1 kuwaas oo luqada Ingriiska ahi lagu yiraahdo bits. Sababta uusan kombuyuutarka u aqoonin wax aanan ahayn 0 iyo 1 waxaa ugu wacan ku tiirsanaanta uu ku tiirsanyahay korontoda. Si ay qaybaha kala duwan oo ee kombuyuutarka u wada xiriiraan, ayaa waxa ay isku fahmi karaan oo kaliya koronto waa joogtaa ama koronto ma’joogto. 1 wuxuu u dhigmaa korontaa joogto meesha 0 uu u dhigmo koronto ma’joogto. Sidaasi darteed ayaa xisaabaadka uu xisaabo kumbuyuutarka loogu magacaaba binary-math.
[edit] Noocyada Kumbuyuutarada
Kombuyuutarada waxaa loo kala qeybiyaa: Kumbuyuutarada miiska, kuwa dhabta, kuwa calaancahsa iyo kuwa waaweyn oo loo yaqaano Super Computers (Kumbuyuutarada Superka ah).
[edit] Kumbuyuutarka miiska (DeskTop Computer)
Waa kumbuyuutarda ugu badan e la'siticmaalo, waxaan la gu siticmaalaa Xafiisyada, Dukaamada, Isbitaalda iyo Guryahaba.
[edit] Kumbuyuutarka Dhabta ama Boorsada (Laptop Computer)
Waa kuwo loogu talagalay dadka aan shakhada ku qabanin meel oogto ah, oo gala safaro ha noqdeen kuwo dhaadhee ama kuwo magalada gudaheeda ah.
[edit] Kumbuyuutarka Calaancasha (Palm/PDA)
waxaa loogu talagalay dadka aanan u baahnay awood wayn ay ku qabtan kubuyuutarka lakiin u baahan in ay jadwalkooda shaqada iyo balamahooda wax ka bedelaan iyo in ay rabaa in ay aqristaan waraaqahooda elektrooniga ah (e-mail).
[edit] Kumbuyuutarka superka (Super Computer)
waxay qabtaan howlo qaas ah, sida naqshdaynta, maamulida dayaxgacmeedyada IWM.